
Chairman & CEO
Mohamed M. Awale
Waxaanu ku hawlanayn Adeega Tiknolojiga Isgaadhsiinta gaar ahaan Internetka tan iyo markii uu adeegaasi soo gaadhay Hargeysa 1999. Hase ahaatee muu ahayn bilowgii Ganacsigayaga, waxaan soo Aasaasay oo aan qayb ka soo qaatay Ganacsiga Adeegyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen Waxbarashada iyo Tababarada kuwaas oo laftooduna ku cusbaa Dalkeena wakhtigaas.
Fulinta iyo Hirgalinta Ganacsiga noocan oo kale ah wuxuu u baahan yahay Fikrado hormood ah, Shaqaale firfircoon iyo Maalgashade Dhiiran. Hoobaan waxay nasiib u heshay intan aan kor ku soo sheegnay iyo waliba khibrad dheeraad ah oo aanu si gaar ah ugu leenahay Ganacsigan.
Adeegkasta iyo Waxsoosaarkayaguba waxaa udub-dhexaad u ah Macaamiishayada iyo Doonidooda. Waanu idiin huraynaa oo aanu idiin maalaynaa maskaxdayada ilaa inta aanu helayno raali-galintiina.
Hoobaan waxay u xadhko xidhatay inay noqoto Tusaalaha Afrika, iyo hormoodka Shirkaddaha ka ganacsada Tiknolojiga Isgaadhsiinta. Talada, Tilmaanta iyo Faalada aad ka bixinaysaan Hoobaan waa wadadii aan u soo marnay, imikana aanu u mari doono Guulo ka waawayn intii hore.
Mohamed M. Awale
Chairman & CEO